Healthy Community Initiative

Thriving Youth. Thriving Community.

Menu

Addeegga Gurmadka – Cudurada dhimirka/isticmaalka Maandooriyayaasha

911

Inta badan wac 911 haddii aad adiga ama qof kale khatar ku jiro, ama ay jirto xaalad caafimaad oo degdeg ah.

  • U diyaargaroowga in aad shaqaalaha telefoonka ka jawaabo u sheegto halka aad joogto iyo xaaladda degdegga ah.
  • Haddii aad aaminsan tahay in ay xaalad u baahan gurmadka dhimirka , u sheeg shaqaalaha telefoonka ka jawaaba calaamaadaha aad ku aragto qorka ee ku geliyey dareenka cudurka dhimirka.
  • Haddii uu qofku qaatay maandooriyayaasha,. u sheeg shaqaalaha nooca maandooriyaha.

911 way ku dhageysanayaan iyaga oo go’aan ka gaaraya gurmadka xaaladda. Waxaa laga yaabaa in ay soo diraan sahqaalaha gurmadka ama booliska. Waxaa kale oo laga yaabaa in ay talaabada xigta ee aad qaadi karto si naftaada iyo tan dadka u badbaadiso inta ay shaqaalaha gurmadka imanayaan.

Horizon Homes Inc. Adeegga Gurmadka (Khadka Gurmadka, Adeegga Gurmadka guurguura, Xarunta Koonfur ee Gurmadka)

KHADKA GURMADKA

Si aad ula xiriirto Horizon Homes Inc. Crisis Services, wac 877-399-3040.

U Adeegta Degmada Rice iyo degmooyinka Blue Earth, Brown, Faribault, Freeborn, Le Sueur, Martin, Nicollet, Sibley, iyo Wantowan.

ADEEGGA GURMADKA EE GUURGUURA

Adeegga Gurmadka ee Guurguura waxa uu u adeegaa caruurta, qaangaarka, iyo dadka waaweyn ee u baahan gurmadka cudurada dhimirka.   Adeegga gargaarka waa mid 24ka saac ah ee maalinta. 7da maalmood ee todobaadka. Waxaa lagugu caawin karaa telefoonka ama fool ka fool (guriga, goobaha kale ee bulshada ee macmiilku doorto).

Adeegga waa mid aan cidna lagu khasbin 100% waxaana ka mid ah qiimeynta gurmadka, qiimeynta khatarta, iyo qorshaha daaweynta ee xoogga saareysa:

  • Xalinta dhibaatada iyo istaraatiijiyadda la qabsiga.
  • Adeegga degaanka iyo macluumaadka
  • Ka hortagga qalalaasaha
  • Gargaar muddo gaaban ah si loo dajiyo

Adeegga waxaa dadka loogu fidiyaa Af Ingiriisi iyo luqadaha kale ee Language Line Solutions.   Gargaar maaliyadeed ayaa jira oo loogu adeego dadka aan kharshka iska bixin karin.

XARUNTA GURMADKA EE BARTAMAHA EE KOONFUREED

Xarunta Gurmadka ee Bartamaha Koonfureed waxa ay u adeegtaa dadka waaweyn ee cudurada dhimirka.   Waxa ay ka kooban tahay 16 sariirood, gurmadka mudada gaaban, waxaana bukaanka la geeyaa 24ka saac ee maalin kasta, 7da cisho ee todobaadka. Waxaa halkaas lagu hayaa inta u dhaxeysa dhawr saacadood ilaa 10 cisho.

Adeega waa mid qofku doorto 100% waxaana ka mid ah:

  • Xalinta dhibaatooyinka ee mudada gaaban iyo la talinta.
  • Baridda daaweynta iyo la socoshada.
  • Maareynta calaamadaha iyo ka hortagga in qofku dib ugu noqdo isticmaalka maandooriyayaasha
  • Wacyi gelinta iyo taageerada qoyska
  • La socoshada qofka ka dib marka laga saaro xarunta

Adeegga waxaa dadka loogu fidiyaa Af Ingiriisi iyo luqadaha kale ee Language Line Solutions. Bogga internetka ayaad ku booqan kartaan xarunta: horizonhomes.org

Khadka Gurmadka ee Adeegga Bulshada ee Degmada Rice

Soo wac 1-800-422-1286

Khadka guud waa mid loogu talo galay gurmadka aan aheyn cudurada dhimirka waxaana ka jawaaba shaqaalaha Adeegga Bulshada ee Degmada Rice 24ka saac ee maalin kasta, 7da maalmood ee todobaadka.

Khadka Gurmadka ee Fariimaha Qoraalka Ah

Qoraal ahaan ugu soo dir MN lambarka 741741

Khadka gurmadka ee fariimaha qoraalka ah waa mid dadka ku xira adeegyada degaanka ee bulshada. Waxa uu qaadi karaa 50,000 fariin bishiiba waddanka oo dhan. Dadka soo wacaya ee dhibku heysto, xilliga ay jawaab ku helayaan waa wax ku siman 39 ilbiriqsi. Macluumaad dheeraad ah, soo booqo: mn.gov/dhs/partners-and-providers/policies-procedures/adult-mental-health/crisis-text-line/

National Suicide Prevention Lifeline (Khadka Ka Hortagga Dadka Qudha Iska Jara)

Soo wac 1-800-273-8255

Khadka Ka Hortagga Dadka Qudha Iska Jara waa shabakad isku xiran oo heer qaran ah oo xarumo ku leh goobo kala duwan. Waxa laga helaa adeeg taageero ah oo lacag la’aan ah oo qarsoodi ah 24ka saac ee maalin kasta, 7da maalmood todobaadka.

suicidepreventionlifeline.org

Gurmadka kale ee aan ka baxsan cududrada dhimirka iyo isticmaalka maandooriyayaasha, fadlan la sosoo Diiwaanka Adeegga.